Carabey iyo Cali Gacal oo laga war dhoorayo

0
53

Maamulka Galmudug ayaa xiligaan galay marxalad siyaasadeed oo aad u adag, waxaana labo garab hada u kala jabay Maamulkii Galmudug uu Xaaf hogaaminayay iyo Garabkii Ahlu Sunna uu hogaaminayay Sheekh Shaakir.

Xaaf oo mudooyinkii ugu dambeeyay saldhig ka dhigtay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa halkaasi shalay ka qaatay boorsooyinkiisa , waxa uuna Xaaf safar dhinaca dhulka ah ugu ambo baxay Gaalkacyo isaga oo sii maraya Cadaado uu in badan diyaarad ku dul maray.

Magaalada Cadaado ayaa mudooyinkii dambe waxaa xarun u aheyd garab kamid ah maamulka Galmudug ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal  Casir iyo sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here